Ku soo dhawaada qoraalo ku saabsan TAKK looga talogalay luqadaha
Halkan waxaad ka helaysaa warbixin iyo tusaalooyin sida AKK oo utaagan (Habka dheeraadka dhameestiraya isgaarsiinta) oo loo adeegsan karo afka hooyo.
Methodogical material
Hordhac
Waxaan rajayneenaa in goraalka dhexdiisa ka hesho fikrado iyo aqoon sida:
Sababta ay muhiim u tahay in la dhiiro galiyo horumarinta afka hooyo caruurta oo baahida u qaba i la taageero horumarinta isgaarsiintooda.
Sida dheeraaadka iyo dhameestirka isgaarsiinta loo waafijin karaa shaqsiyaadka leh luqadaha badan asalkooda oo hadana u baahan taageero isgaarsiin
Qoraalada oo lagu soo uruuriyay bogga internetka ayaa natiijo u ah shaqada ku saabsan AKK (habka dheeraadka iyo dhameestirka isgaarsiinta) oo leh luqado badan oo la sameeyay in mashruucan TAKK luqadaha sanadadii 2010 - 2014. Xarunta waxbarashada ee MIM, Yoteboori, Iswedhan.
Si dhibyar ula qeebso faallooyinkaada, suaalooyinkaada iyo qibradaada oo AKK iyo lahaanshaha luqadaha badan adigoo nala soo xiriiraya inaga halkan info@mimkunskapscentrum.se.
Filim
Maxay la micno tahay caruur in ay ku hadasho luqado badan?
Caruurta waxay helayaan duni tayo leh markii waalidka ay adeegsadaan luqada iyaga ay ku wanaagsan yihiin! Tani waa ay qusaysaa dabcan xitaa caruurta kuwa ay isgaarsiintooda aanay dhamayn. Ayadoo la adeegsanayo luqadhooda oo dhan ayaa tababaranayaa maalin walba hab luqad fowjignaan leh iyo debecsanaan si la mid ah sida dhamaan caruurta luqadaha badan. Waxay ku dhisan karaa xiriiryo qiimo leh oo ay la yeeshaan qaraabadooda iyo in ay helaan foojignaan wanaagsan aqoontooda luqadeed.
Filim
Isku xiryoyaal
Maxay muhiin ay u tahay in qoyska ay adeegsadaan afkooda hooyo caruurta/dhalinyarada oo xanibaada maskaxda shaqaynteeda?
Waalidka waxay u arkaa in u sugan tahay awoodooda in ay horumariyaan caruurta aqoonsigooda kadibna siinaya luqad. Af hooyo oo sii jiriya waxay ay u horseedaa qoyska ay adeegsadaan fahamkooda hooshooda isdhexgalka.
Hadkaas ayaa noqonaynaa qoyska aqoontooda luqad iyo qibradooda la dalbanayaa iyo sare loo qiimeenayaa bulshada, taasoo iyadana markeeda xitaa xoojinaysa kalsoonida xubnaha qoyka.
Filim
Isku xiryoyaal
Sidee loogu adeegsanayaa AKK afka hooyo?
AKK (Habka dheeraad iyo dhameystiran ee isgaarsiinta) ayaa ah hab sida loo adeegsanayo si loo kaalmeeyo isgaarsiinta udhaxaysa dadka markii luqadda lagu hadlo ay siyaabooyin kala duwan aanay ku filnayn. Si loo fududeeyo shaqsiga isgaarsiintiisa iyo ka qayb-qaadashiida marxaladaha oo dhan waxaa la adeegsanayaa calaamad, nidaam sawir ah oo kala duwan ama qalabka caawinaada farsamada. AKK waxaa loo baahnaan karaa waqti gaaban ama noqon kara taageero nolosha lagu maro. Shaqsiyaadka oo leh af hooyo kale oo aan swedhish ahayn waxaa jira fursad in la adeegsado dhamaan AKK qalabahiisa oo lagu daray afka hooyo.
Si loo adeegsado TAKK (calaamad sida AKK) waxaa la adeegsanayaa faro ka hadalka oo ah swedhiska laqada faro ka hadalkooda si loo kaalmeeyo iyo dhameestira waxa la rabo in lagu sheego swedhishka. Isla sidaa ayaa loo adeegsanayaa TAKK afka hooyo lakiin wax ay kaga duwan tahay luqada faro ka hadalka swedhishka waxaa loo adeegsadaa si loo kaalmeeyo loona dhameestiro shaqsiga afkiisa hooyo. Isgaarsiinta sawirka ayaa loo adeegsadaa ayadoo la kaashanayo luqada loo baahan yahay.
Khariidada isgaarsiinta, jadwal, farshaxanka hadalka ama sheekooyin bulshada ayadoo qoraal si dhameestiraya sawirada waxaana lagu qori karaa swedhiska, afka hooyo ama labada luqadood.
Filim
Isku xiryoyaal
Waa maxay sababta AKK ee afka hooyo?
Dhamaan caruurta xaq bay uleeyiihin afkooda hooyo. Afka hooyo aya ah saldhiga luqada taaso caruur walba ay barato. Ayagoo dhageesanay ama la joogo waalidkooda iyo qoyskooda. AKK afka hooyo waxay kuu horseedaa horumar luqad ee afka hooyo. Horumarka luqada ee afka hooyo waxay kuu horseedaas horumar luqad ee luqado kale.
Filim
Isku xiryoyaal
Sidee bay u ekaan kartaa wada shaqaynta ka dhaxeysa iskuulka iyo guriga?
Wada shaqaynta ka dhaxaysa guriga, iskuulka iyo macallimiinta afka hooyo waa xaalad muhiim u ah horumarka luqada ee caruurta, si loo horumariyo luqada waa in aad aqoon uleedahay, rabitaan niyad iyo wax ku oolnimo. Dadka hareerahaada ah ayaa micno wayn ku leh si loo horeumariyo dhamaan luqada caruurta wadada loo mari lahaa waxaa ku firi kartaa waxyaabaha soo socda.
Dhamaaan AKK oo la adeegsado bayáda iskuulka waa lala adeegsan karaa afka hooyo. Afka hooyo macalimiintiisa waxa uu ubaahan yihiin in ay heestaan qalab – AKK iyo aqoon sida waxan loo adeegsan karaa.
Waxaa aasaasi ah in ay kamid ahaato saacadaha afka hooyo in ay qorsheeyaan si wadajir ah macalinka gaar ah ee ardayga iskuulkiisa iyo macalinka afka hooyo. Habkaas ayaa la awoodi karaa in mowduuca markaas ka jira iskuulka lagu xoojin karaa ayadoo afka hooyo barashadiisa.
Waalidiinta aad bay u og yihiin caruurta aqoontooda luqad ee afka hooy. Waa in la waydiiyaa iyo in lagu dhiirogaliyaa in gacan ka geestaa suaalooyin muhiim ah ama dhacdooyin caruurta noloshooda oo hodan kaga dhigaya waxbarashada afka hooyo.
Filim
Isku xiryoyaal
Codddad sida AKK
Anneli
Evakristina
Kerstin
Khadija
Kideste
Kooxda wax soo saarka
Project management, concept and script
Luz Solano - MiM Kunskapscentrum
Administration and coordination
Kerstin Kristiansson – MiM Kunskapscentrum
Experts in AAC
Britt Claesson – Dart- Kommunikations- och dataresurscenter för personer med funktionsnedsättning.
Eva Kristina Salameh – Språkens Hus, Skånes Universitets Sjukhus
Marie Jacobsson – CFS – Center för Skolutveckling
Elisabeth Norén – samordnare för AKK, SPSM
Luz Solano - MiM Kunskapscentrum
Web design and development
Thijs Keesenberg
Animation
Zygomatic Animations Studios
Högskolan Väst, 3D-animation och visualisering programmet.
Sound and music
Andreas Alme
Film
Pia Tjäder
Luz
Maria J
Maria Kh
Saida